Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo kulan la yeeshay madaxdii guddiyada doorashooyinka dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kulan afur ah la yeeshay madaxdii guddiyada Doorashooyinka heer federaal iyo heer dawlad goboleed iyo Guddiga Khilaafaadka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa uga mahad celiyay dedaalkii dheeraa ee ay muujiyeen muddadii 6-da bilood ahayd ee ay shaqaynayeen.