Madaxweynaha Koonfur-Galbeed oo shir-guddomiyey kulan amniga looga hadlayay

Baydhabo- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa shir gudoomiyey shirka gollaha amniga dowlad goboleedka K/G, oo todobaadkan ka Qayb galeen taliyaha qaybta saddexaad ee ciidanka Amisom, sarakiil ka socday dowladad Ingiriiska iyo qaybaha kala duwan ee sarakiisha laammaha amniga maamulka koonfur galbeed.

Shirka ayaa inta uu socday waxa looga hadlay xaaladaha amaan ee deegaanada koonfur galbeed iyo sidii loo bilaabi lahaa hawlgalo lagu ciribtiraayo dhagar qabiyaasha argigixisada Al-shaab oo ku dhuumalaysta qaybo kamid ah degaanada koonfur galbeed.

qaar kamid ah saraakiisha amniga ayaa laga dhagaystay warbixino ku saabsan amniga iyo howlgalada ay fuliyaan ciidanka, waxaa na sheegeen in ciidanka ay sii laba jibaareen howlgalkooda inta lagu gudajiro bisha barakaysan ee Ramadaan

ugu dambayn Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed mudane Cabdicasiis (Laftagareen), ayaa u mahadceliyey sarakiisha laamaha amniga.