Wasiirka Waxbarashada oo warbixin ka dhageystay guddi loo xilsaaray Waxbarashada 5ta sano ee soo socota

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Mudane Cabdiraxman Maxamuud Cabdulle Jaabiri iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Marwo Nuuriye Aadan Ciise, Agaasimaha guud Mudane Maxamed Caabi Xasan ayaa warbixin ka dhageystay guddi Wasaaradda Waxbarashada u xilsaartay soo diyaarinta Waxbarashada muddada 5ta sano ee soo socota, Education Sector Analyisi ESA and Education Sector Strategic Plan ESSP (2021-2025).

Guddiga oo ah khubaro Soomaaliyeed oo Dalka gudahiisa iyo Dibadiisa wax kusoo bartay ayaa ku soo bandhigay madasha howlaha u qabsoomay, waxaana ay sheegeen in ay gabo gabo u marayaan howshii loo igmaday.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo shirka soo xiray ayaa amaanay shaqada wanaagsan oo ay Ummadda Soomaaliyeed u qabteen guud ahaan, gaar ahaan Bahda Waxbarshada oo baahi weyn u qabta barnaamijkaan lagu horumirnayo Waxbarshada Dalka, waxaana uu u balan qaaday wax kasta oo ay u baahdaan iyada oo lala kaashanayo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Bulsha waynta Soomaaliyeed.