Madaxweynaha DFS oo tacsi u diray shacabka Chad iyo dawladoodda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya Mudane, Maxamed Cabdallaahi Farmaajo, ayaa tacsiyeeyay shacabka iyo dawladda dalka Chad geerida Madaxweyne  Idriss Deby, oo u dhintay Talaadadii dhaawac kasoo gaadhay, intii socday iska hor imaad hubeysan oo dhex maray Ciidanka dalkaas iyo kooxo hubaysan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa yiri: “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan ka tacsiyeynayaa hoggaanka iyo shacabka Chad geeridii ku timid Madaxweyne Idriss Deby, oo dhintay shalay oo Talaado ahayd.”

waxaa u intaas ku daray in madaxweyne Idriss Déby ahaa Hoggaamiye dowladeed, uuna dhintay isagoo ilaalinaya dadkiisa iyo qarankiisa