Horjoogayaal katirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqeeyn kadhacday Gobolka Shabeelaha hoose.

 

Duqeeyntan oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibadooda caalamka ayaa waxaa lagu dilay sadax horjooge oo katirsan maleeshiyaadka argagixisada

Duqeeynta maqribnimadii caawa kadhacday tuulooyinka Tawakal iyo Ugunji oo hoostaga degaanka janaale ee gobolka shabeelaha hoose.

Sida ay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee kusugan degaanka janaale.

Horjoogayaasha duqeeynta lagu dilay ayaa waxaa kamid ahaa Khaalid Cabdulaahi oo horjoogihii canshuuraha ee deganaada hanta wadaag ee gobolkaasi shabeelaha hoose iyo Macalin yuusuf oo kamid ahaa horjoogihii amniyaadka gobolka shabeelaha hoose iyo horjooge kale oo saraakiisha ay noom sheegeen inay soo gudbindoonaan magaciisa.

Saraakiisha ayaa intaasi kudaray sidookale duqeeynta inay kudhinteen 5 maleeshiyaad ah oo horjoogayaasha lajoogay