Degmada Howlwadaag oo caawa u soo gudbay wareegga Labaad ee Tartan aqooneedkii bisha Ramadaan.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 10aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Dhuusamareeb Vs Howlwadaag oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee Dhuusamareeb Vs Howlwadaag muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Dhuusamareeb

Tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galguduud waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Lix su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb ay heleen waxay noqotay Labo (2) dhibcood.

Howlwadaag

Tartamayaasha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, waxa ay iska qaldeen Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Dhuusamareeb, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Howlwadaag waxay noqotay Toban iyo Afar (14) dhibcood.

Hadaba kulankii 10aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 11aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Boosaaso iyo Wadajir oo ka kala tirsan Gobollada Bari iyo Banaadir.