Dhallinyaro Mustaqbalka dalka ah oo ku dhintay Hoobiyeyaal argagixisadu soo tuurtay

Allaha u naxariisto Fahdi Caddow Cabdi iyo Faa’iso Caddow Cabdi ayaa maanta ku geeriyooday hoobiye ay argagixisada Al-Shabaab soo tuureen oo ku dhacay gurigooda oo ku yaalla degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Waxay ahaayeen labo gabdhood oo walaalo ah, waxbartay, lahaana mustaqbal ifaya.

AUN Fahdi Caddow waxa ay sanadkii hore 2020 ay ka qalin jebisay Jaamacadda Muqdisho, gaar ahaan Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Culuumta maamulka.

Cabdicasiis Maxamed Xasan Tifey ayaa ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday maanta hoobiyashii ay argagixisada soo tuuray.

Allaha u naxariisto Cabdicasiis ayaa safar u ahaa dalka Turkiga, halkaas oo uu ugu socday in Waxbarashadiisa uu halkaasi ka sii wato.

Maleeshiyada arxanlaawayaasha Shabaab ayaa caada ka dhigta xasuuqa ay u geysanayaan dadka rayidka ah.

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun