Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Caadil Al Casuumi oo dalalka Carabta ugu baaqay in ay taageeraan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa sheegay  in ay ugu baaqeynaa walaalaha Soomaaliya in ay u hoggaansamaan wadahadalka oo ah xalka kaliya ee lagu gaari karo is afgarad ku saabsan doorashooyinka qaranka iyo in la taageero Xasilloonida.

Mudane Caadil bin Cabdulraxmaam Al-Casuumi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, waxa uu walaalaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu yeerayaa inay si wax ku ool ah uga qaybqaataan wadahadallada qaran ee uu ujeedkiisu yahay in la gaaro is afgarad ku saabsan doorashooyinka qaranka, iyo in laga shaqeeyo dhameystirkooda.

Si loo gaaro horumar siyaasadeed iyo mid iyo dastuuri ah intaba, taasoo muhiim u ah amniga Iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka carabta wuxuu adkeeyay in u hogaansamida wada hadalada siyaasadeed ee udhaxeeya dowlada federaalka Soomaaliya dowladaha Xubnaha ka iyo dhinacyada kale ee Soomaaliyeed ee ay khuseeyo.

Wadahadallada waa xalka kaliya ee looga gudbi karo dhibaatooyinka iyo caqabadaha hortaagan diyaarinta doorashooyinka guud ee ka dhacaya dalka, sidoo kale dalalka Carabta waxaan ugu baaqayaa inay garab istaagaan Soomaaliya oo ay ku taageeraan Ka-gudubka caqabadaha jira iyo inay taageeraan dadaallada looga jiro in dalka lagu jiheeyo dhabaha nabadda, horumarka iyo barwaaqada.

Al-Casuumi wuxuu xaqiijiyey mowqifka adag ee baarlamaanka carabta ee ku aadan taageerada Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dhamaan dadaalada loogu talagalay in lagu gaaro is afgarad qaran oo dhameystiran , iyo kor u qaadida amnigeeda iyo xasilloonideeda heer kasta.