Dacwaddii Rag Loo Heystay Dilkii Guddoomiyihii Degmada Hodan Oo Bilaabatay

 

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxay  Billowday Fadhiga Maxkamadaynta Rag loo haysto Dilkii Magaalada Muqdisho loogu geystay  Guddoomiyihii hore ee  degmada Hodan  Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise Dhaga-Juun.

Goobta Maxkamadda ayaa waxaa ku sugan Saraakiisha sare ee Maxkamadda Ciidamada, Rag loo heysto dilka Guddoomiyihii hore ee  degmada Hodan, ehellada labada dhinac iyo dad kale oo ka qayb galaya fadhiga Maanta ee Maxkamadda.

Dadka loo haysta eedda dilka Guddoomiyihii hore ee  degmada Hodan, ayaa gaaraya Sideed ruux, oo Toddoba kamid ah ay Maxkamadda xaadir ku yahiin, halka midka kalana uu maqanyahay.

Allaha u Naxariistee  Guddoomiyihii hore ee  degmada Hodan  Cabdixakiim DhagaJuun, ayaa 21-kii Bishii Janaayo ee Sakandan 2021,  waxaa uu u geeriyooday Rasaas lagu furay Gaari uu saarnaa oo marayay isgoyska Howl-Wadaag ee magaalada Muqdissho.