Ameerikaanka Oo Ergey Cusub U Soo Magaacabay Geeska Afrika

 

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken, ayaa u magacaabay Jeffrey Feltman, inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika.

Blinken, ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri: “ Magacaabistan waxay hoosta ka xariiqeysaa sida ay maamulkeena ay uga go’an tahay inuu hoggaamiyo dadaallada Diblamaasiyadeed ee wax looga qabanayo xasaraddaha xiriirsan ee siyaasadda, amniga iyo bani’aadannimada ee Geeska Afrika.”

Feltman ayaa ah mas’uul xilal kala duwan kasoo qabtay Waaxda Arrimaha Dibadda iyo waddamo kale oo caalamka ka tirsan, isaga oo lagu tiriyo Dadka khibradda fiican u leh Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.