Maxkamadeynta Rag loo heysto dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan oo bilaabatay

ILAYSKA DALKA:-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saakay billowday Dhageysiga Eedeymaha rag loo haysto Dilka Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise Dhagajuun.

Marxuum Dhegajuun ayaa Bishii January ee Sanadkan u geeriyooday rasaas ay ku fureen Ciidamo ka tirsan Boliiska Soomaaliya.