Faransiiska oo baaraya dil loo geystay Gabar katirsan Booliis

ILAYSKA DALKA:-Booliiska Faransiiska ayaa baaritaan ku wada weerar ay ku sheegeen in uu ahaa mid argagixiso kaddib markii Gabar katirsan Booliis Faransiiska, Toorey lagu dilay meel ka baxsan magaalada Paris ee Caasimada Faransiiska.

Weerarkan oo ka dhacay meel  60Km, kaga began koonfur galbeed Caasimadda Faransiiska, ayaa gabar ka mid ah Ciidanka, lagu dilay goob aan ka fogeyn saldhig booliis, gabadhan ayaa 49-jir aheed sida ay shegeen Booliska.

Booliska ayaa toogtay nin 36jir ahaa oo asal ahaan kasoo jeeday dalka Tunisia oo lagu tuhunsanaa inuu weerarkan geystay.

Raysal Wasaraaha Faransiiska iyo wasiirka arrimaha guddaha, ayaa booqday saldhigan gabadha  Booliska ah lagu dilay si ay xaaladda u soo indho indheeyaan taageero na ugu muujiyaan ciidanka booliska ee weerarka loo geystay.

Ugu danbeeyntii Raysal Wasaraaha Faransiiska, ayaa faray Ciidamada in ay baaritaan ku sameeyaan dilka gabadhan loo geeystay, sidokalana gacanta lagu soo dhigo dadkii ka danbeeyay dilka.