Maleeshiyada Al-Shabaab oo laga xoreynayo Koonfurta Mudug+Sawirro

ILAYSKA DALKA:-Maamulka Galmudug ayaa ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta geeyay deegaanada Koonfurta Mudug si ay halkaas kaga xoreeyaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa maanta gaaray deegaanka Wisil oo hoos-yimaada degmada Hobyo, waxayna saraakiisha hoggaamineysa ciidankan ay sheegeen inay dhowaan koonfurta Mudug ka bilaabayaan howlgal ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab.

Sidoo kale, deegaanka Wasil waxaa lagu wadaa in ay gaaraan wafdi ka kooban Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Galmudug.