Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga oo la kulmay Wakiilka heya’adda iskaashiga u qaabilsan Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federalka Soomaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxa hey’adda iskaashiga u qaabilsan Turkiga ee Soomaaliya Mr.İlhami Turus, oo ay ka wada hadleen sidii labada dhinac ay iskaga kaashan lahaayeen horumarinta dhanka ganacsiga, maal-gashiga iyo sidoo kale xoojinta tayo-dhowrka Soomaaliya si loo ilaaliyo tayada badeecadaha soo galaya dalka iyo kuwa dibedda loo dhoofinayo ba.

Wasiirka iyo wakiilka ayaa Waxa kale oo ay ka wada hadleen sidii tababaro la xidhiidha ganacsiga  si gaar ah looga taageero loona horumariyo haweenka ganacsiyada ku leh dalka maadaama ay haweenku gacanta ku hayaan ganacsiyada ugu badan Soomaaliya.