SIDEEDABA: NABADI WAA LAMA TAABTAAN

Nolosha aadanaha nolosha ayaa u horreysa sidaa awgeed ayaa waxaa ka warbixiyey dadweyne isugu jira waxgarad iyo odayaal iyagoo kala taageersan ururo iyo kooxo kala duwan oo afkaartoodu kala duwan tahay.

Dadkani marka ay ka hadlyayaan xaaladda dalka waxay sheegayaan in nabaddu tahay lagama maarmaan .

Arrimaha ka guuxaya shacabka waxaa isha soo mariya qeybo ka mid ah qorayaasha wargeyska Ileyska Dalka waxayna dadkani si wadajir ah farta ugu taagaan ama u diidaan feker kasta oo horseedi kara in dalka dagaal uu ka dhaco waxayna sheegayaan wax kasta oo la doonayo in lagu raadiyo farsamo siyaasad iyo wada tashi .

Waxaa kale oo ay dadweynuhu aad uga xanuunsanayaan hadalada xanafta leh ee keeni kara dagaal iyo gacan ka hadal waxayna taageerayaan wax kasta oo lagu gaarayo nabad iyo wada tashi.

Dadka soomaaliyeed wada noqon mayo madaxweyne, ra’iisul wasaare , wasiir iyo xildhibaan laakiin taageerada shaqsiyadeed waa afkaar xor ah oo qofku u baahan yahay loomana adeegsan karo af xumo beelo gaara ah lagu af xumeeyo kicin iyo abaabul dagaal .

Meel ay joogaanba soomaalida waxay taageersan yihiin in nabad wax lagu gaaro waxna lagu raadiyo xasilooni iyo fikir wanaagsan way ka soo daaleen ummaddani qabyaalad iyo gacan ka hadal gacmo dhiig lehna lagu gaari mayo guul iyo wanaag.

Dakano sokeeye waa laga fogaadaa maadaama soomaalidu tahay oodwadaag aan waxba u dhxeyn oo weliba anfac wadaag ah ka dibna isaga abaal celiya arrimahaas wanaagga ah.

Xumaanta salkeeda lama gaaro soomaalidana waxay ku mahmaahdaa dhidir xabaalo qoda qurun buu uga dhaadhacaa.

Qabyaaladda iyo boobkuna waa sidaas si la mid ah wax walbana waxay u baahan yihiin tashi iyo wax wadaag.

Guurtida Soomaalida waxay inta badan isticmaalaan mahmaahdan oo macnaheedu yahay xisaabtamaa ma xiriirsho , ninka caloosha ku haya wax kasta oo loo geysto wuxuuu dhibaateynayaa dadka ka dibna dad la’aan ayuu soo baxaa .

Dadka Muslimka ah wuxuu ku hormaraa samirka, wax isu quurka iyo is cafinta ka dibna guul ayuu gaaraa aakhiro iyo adduunba.

Walaalaha Soomaaliyeed waxay ku fiican tahay taladooda ii cun ii cun ayaa caafimaad laga helaa guusha walaalkaana lagama naxo waayo berry ayaad guuleysaneysaa adigana waxa uu helay adna waa helli doontaa .

Isu hibeeya taladana wadaagga , adduunyadu waa gelinba ceyn maamulkeedana Ilaah baa leh sida ay kugu soo qaabishana ugu mahadceli Rabbi.

Maadaama ay dunidu silsilad tahay oo adigoo diyarsadayna aad waayi karto wax walba hadana adoo samray baad cidlo ka heshaa .

Adigoo madow socda oo iftiin la’aan hortaadana ay jiifaan masas iyo abeesooyin Ilaah baa ka badbaadiya oo iftiin baad heshaa waadna ka badbaadaa.

W/Q: Abwaan Gabyare