Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo dhiseyso Golaha Deegaanka ee degmada Waajid.+Sawirro

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo Kaashaneyso Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee XFS ayaa wado dadaalo ay ku dhiseyso Golaha deegaanka ee degmooyinka hoostago Maamulka Koofur Galbeed.

Ergada soo xulayo xildhibaanada golaha deegaanka Degmada Waajid ayaa maanta yeelanayo kulankoodii ugu horeeyay si hore loogu sii wado dhismaha golaha deegaanka.

Qeybaha ay ka kooban tahay bulshada degan waajid ayaa ku Heshiiyay awood qeybisaga saamiyada ,waxaana dhawaan la filayaa in la soo xulo xildhinadda si ay udoortaan Guddoomiyaha Degmada.

Horay ayey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koofur Galbeed ugu guuleysatay in ay dhisto golaha deegaanka ee Degmooyinka kala ah Xudur , Diinsoor iyo Bardaale.