WAXBARASHADU WAXAY HORSEEDAA ISBEDDELKA AADANAHA

Hanti la sameysto waxaa ugu fiican waa in aad sameysato dad macnaha in aad tacaamul ama is dhexgal iyo saaxiibtinimo walaalnimo ku dhisan la sameysato dadka oo aad noqoto qof asxaab badan oo jecel isna uu jecel yahay leh.

Bulsho marka la dhisayo haddii aan qofka laga soo dhisin oo qofka aan la siin tarbiyad fiican la siin  bulshadana lama toosin karo oo bulsho aasaaskeed waa qofka .

Dhismaha qofka wuxuu ka soo bilowdaa qoyska oo aasaaskaa waxaa inta badan u ah hooyada oo carruurteeda haddii ay siiso tarbiyad , akhlaaq iyo aqoon fiican waxaa hubaal ah in bulshada ay wax badan qoyskaasi ku soo kordhinayaan.

Aadanaha waxaa isbedel loogu sameym karaa marka la siiyo waxbarasho taas oo keenta in qofku helo qaab , shuruuc iyo afkaar uu bulshada la dhex tagi karo kulana noolaan karo oo waxtarta mustqabalkiisa dambe.

Nin qoraal ah ayaa beri looga sheekeeyey sidii uu Fircoon u qaatay fekerka ah in uu laayo carruurta kuwii uu siyaasad ahaan ka baqayey in ay xukunka ka tuuri doonaan oo aheyd in uu dilo carruurta wiilasha ah ee u dhasha .

Qoraaga wuxuu sheegay in Fircoon ku qaldanaa fikirkaa ah in carruurta uu ka dilo qeybahaa uu siyaasad ahaan diidanaa wuxuuna sheegay in ay ku filneyd in uu wiilashooda u daayo balse uu waxbaro kana dhaadhiciyo fikirka uu aamnisanaa taas oo sababi laheyd in ay soo baxaan carruur wiilal ah oo reerkaas ah oo isaga ku feker ah.

Waxbarashada waxaa lagu sameyn karaa isbedel fikradeed halkii aad cadaadis adeegsan laheyd ama aad dil iyo wixii la mid ah isticmaali laheyd adeegso adeeg waxbarasho ayey leeyihiin culumada dhanka saykoljiga .

Qaabkan wax galinta (Insertion) oo ah qofka in lagu abuuro fikrad aad aaminsan tahay waxaa haatan inta badan adeegsada kooxo doonaya in ay awoodda waxbarashada u adeegsadaan ujeeddooyin kale oo ay ku fulinayaan ujeeddooyin gurracan halkii ay uga faa’ideysan lahaayeen fidinta afkaar waxtar leh.

Somaaliya xilligan waa xilli ay u baahan tahay in baahinta adeegga waxbarashada ay uga faa’ideysato horumarinta iyo nabadda waayo dalka waxaa si weyn ugu baahsan afkaaro aand dalkan u horseedi Karin nabad iyo horumar oo ay tahay in laga hortago.

Tusaale ahaan isbedel aan ka sameyno la dagaalanka qabyaaladda waxaan ku gaari karnaa marka aan carruurteenna u soo gudbino oo ay helaan waxbarasho lagu lifaaqay duruus ay ku jiraan waddaniyadda, dal jeceylka iyo faa’idada nabadda iyo horumarka .

Tani waxay dalka ka kaabi kartaa in ay yaraadaan ama ugu dambeynta si dhab ah looga suuliyo dalka afkaarta maanta dalku ka dhaqaaqi la’ yahay ee sababaya dib u dhaca iyo horumar la’aanta.

Haddii la helo afkaar tan maanta ka duwana waxay xaqiiqdu tahay in waqti dambe la siweydiin doono lagana shallayn doono waxa aan maanta ku jirto oo badankeenna aaney u arkin wax xun inkastoo ay yihiin wax aan la qaadan Karin.

W/Q: Mohamed Hassan