Cutubayo ka tirsan ciidanka xoogga dalka qaybta 21-aad oo tababar uga socdo xerada Hir-qaboobe ee magaalada Guriceel

Waa cutubkii ugu horeeyay ee muddo 30-sano kadib ah lagu carbiyay Dugsiga Tababarka Ciidamada Har-qaboobe ee Guriceel oo ay dib u howlgalisey Dowladda Federaalka Soomaaliya, haatan ayay gaba-gabo u tahay duruusta ciidan, waxaase xirfadaha milatariyga iyo xeeladaha dagaal ee la baray loogu biiriyay aqoon guud oo lagu barayo aqriska iyo qoraalka ayna ka faa’ideysanayaan guud ahaanba dufcadan dhowaan qalin jabin doonta.

Taliyaha Qaybta 21-aad. ee Ciidanka  Dhulka  Xoogga Dalka Generaal ,Maxamed Caddoow Cali Sanka oo ciidamadan u furey aqoon kororsigan ayaa ku amaaney dadaalkooda iyo warbixinta wanaagsan ee ay ka keeneen saraakiishooda isagoo kula dardaarmey in ay sii labo jibaaraan juhdiga ay bixinayaan si dhowaanba loogu dhameystiro qalabkooda.

Generaal Sanka Taliyaha Qaybta 21-aad oo dardaarankiisa sii watey ayaa dufcadaha cusub ee kusoo biiraya ciidanka Xoogga oo ay ka mid yihiin kuwa Har-qaboobe  ku booriyay in ay isku diyaariyaan badbaadinta wadanka, la dagaalanka kuwa diidan nabadgalyada iyo xoreynta Deegaannada yar ee ay dhuumaaleysiga ku joogaan kooxaha Argagaxisada.

Dugsiga Har-qaboobe oo ka mid ah Dugsiyada ay dib u howlgalisey Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay dhawaan kasoo bixi doonaan Boqolaal Askari oo ay carbiyeen Saraakiil Soomaaliyeed kuwaasi oo qayb ka noqon doona howlgalada lagu xoreynayo guud ahaanba wadanka, waxaana kormeerkan Taliyaha Qaybta ku wehliyay Saraakiil Sare oo uu ka mid yahay Gaashaanle Sare Cabdulahi Maxamed Muuse (Kayse) xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qaybta 21-aad.