Ciidamada Puntland oo gacanta ku soo dhigay keydkii Al-shabaab ee buuralayda Galgala

Ciidamada Puntland ayaa howlgallo ay ka sameeyeen duleedka magaalad Boosaaso, waxa ay gacanta ku soo dhigeen keydkii  Al-shabaab ay kasameysan jireen walxaha laga sameeyo Qaraxyada, kaas oo ay ku keedsanaa Godad ay ka qoteen buuralayda Galgala.

Ciidamada ayaa sheegay in xogtan ay usoo gudbiyeen shacabka, taas oo suurtagalisay in ay ciidamada howlgalkan ku guulaystaan kana hortagaan qaraxyadaasi.

Amaanka magaalada Boosaaso ayaa aad loo adkeeyay tan iyo markii ay bilatay bisha Ramadaan, waxaan joogto laga dhigay howlgalada ciidamada Amniga ay kasameenayaan gudaha iyo duleedka magaalada Boosaaso.