Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaliyeed oo ka warbixiyey Qarax ka dhacay xarunta Taliska ciidanka Asluubta KM7

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaliyeed Gashaale Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa sheegay in  Qarax saaka xili hore ay  Argagixisadda ku soo qaaday taliska Guud ciidanka Asluubta KM7 isagoo inta ku daray in uu jiro Khasaaro ka dhashay qarax.

“Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa ayaa ku qarxay Banaanka hore taliska Guud ee ciidanka Asluubta KM7”.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaliyeed oo la hadlayey Warbaahinta Qaranku wuxuu sheegay inay dib kasoo gudbin doonaan wixii khasaare ah ee ka dhashay weerarkan.