Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka oo beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Cabdikarim Xaaji Buux ayaa beeniyay warar been abuur ah oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Qoraalka Xoghayaha ayaa u qornaa sidan:

Ogeysiis
Waxa Shacabka Soomaliyeed La Wadaagaya In Ay Been Abuur Ay Tahay Wararka Lagu Daabacay Baraha Bulshada Oo ah In Maalinta Sabtida Xil Ka Qaadis Lagu Sameynayo Raisalwasaaraha XFS Waxan Umadda Soomaliyeed Uga Digayna In Ay Ka Fogaadan Wararkaas Been Abuurka ah, U Jeedada Kulanka Uu Yahay In Maalin Sabtiga 1 May Uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu Hor Imaan Doono Mudanayaasha Golaha Shacabka

Abdikarem Haji Buh
Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS