Mareykanka oo Hindya ku caawinaya adeeg caafimaad oo lagu qiyaasay 100-milyan

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in dalka Hindiya loo dirayo gargaar Caafimaad oo qiimahiisu dhan yahay 100-milyan ,si ay qeyb uga noqoto dagaalka dalkaasi uu ugu jiro kororka kiisaska COVID-19.

waxaa la filayaa in maantuba ay bilowdaan Duulimaadyada tagaya dalka Hindiya ee wada Sahayda si ay qeyb ugu noqdaan la tacaalidda kiisasaka faraha badan ee wadankas kusii kordhaya, iyadoo Cusbitaallada ay buux dhaafeen adeegyadii caafimaad ee dalkaasna gabaabsi yihiin sababo laxiriira bukaannada Cudurka soo ridanayo oo aad usii batay maalinba maalinta kasii dambeysa, howshan daabulka ayaa socon doonta illaa todobaadka soo socda.

Sahayda gargaarka ee la dirayo waxaa ka mid ah 1,000 haamood oo oksijiin ah, 15 milyan oo afgashi iyo hal milyan oo ah qalabka lagu ogaado baaritaanka degdegga ah.

Mareykanka wuxuu go’aansaday inuu Hindiya caawiyo Ka dib markii Hindiya ay horay gargaar ugu dirtay Mareykanka xilligii uu la halgamaayey xalka cudurka Covid 19.

Illaa 18-,ilyan oo ruux ayaa lagu waramay in uu ku dhacay cudurka Covid 19 oo fara ba’an ku haya Dalka Hindiya.