Kulan dhex maray Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Murashaxiinta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan la yeeshay Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle iyo Midowga Murashaxiinta.

Kulanka waxaa looga hadlay in laga wada shaqeeyo amniga iyo xasilloonida caasimadda iyo in laga shaqeeyo sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho si waafaqsan heshiiskii 17-kii September.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo ka warbixiyay kulanka ayaa sheegay in kulanka looga hadlay sidii amniga magaalada Muqdisho laga wada shaqeeyo oo la xoojiyo, isla markaana looga hortegi lahaa waxkasta oo Nabadgelyada wax u dhimaya.

kulanka ayaa kusoo dhamaaday isafgarad iyo jawi qurxoon, iyadoo laysla qaatay in laga wada shaqeeyo sidii cid walba xil isaga saari laheyd in Dalka laga  ilaaliyo wax walba oo dib u dhac ku keeni hanaanka doorasho ee dalku geli doono iyo in wixii khilaafka ee jira lagu dhameeyo wadahadal iyo is qancin.