Burkina Fasa waxaa lagu dilay Suxufiyiin u dhashay dalka Spain

Labo Saxafi oo u dhashay dalka Spain iyo Nin u dhashay dalka Ireland oo u ololeeya Duur-joogta ayaa xalay lagu dilay weerar ka dhacay Bariga dalka Burkina Fasa.

Suxufiyiintan ayaa la sheegay in Koox hubeysan ay gacanta u galeen maalintii Isniinta ee la soo dhaafay, sida laga soo xigtay Ciidamada Ammaanka ee dalkaasi.

Labada Saxufi ee lagu dilay dalka Burkina Faso ayaa lagu kala magacaabi jirey David Beriain iyo Roberto Fraile, kuwaa oo xilliga la dilayay ku hawlanaa duubista Filim Dukumentari ah oo ku saabsan qaabka ay Maamulayaasha dalka Burkina Faso uga hortagaan Ganacsiga Foolka Maroodiga.

Dableyda weerarka geysatay ayaa la sheegay inay wateen 2 gari oo nooca dusha ka furan ah iyo Tobaneeyo mooto.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Spain, Arancha Gonzalez Laya aya waxay xaqiijisay in maydadka laga helay dalka Burkina Faso ay ahaayeen Suxufiyiintii Spanishka, kuwaa oo la la’aa tan iyo Isniintii la soo dhaafay.

Dhinaca kale, Dowladda Ireland waxay sheegtay inay ka war hayaan in qof u dhashay Ireland lagu dilay weerarkaasi, isla markaana ay La-hawlgalayaasha Caalamiga si dhow kala shaqeynayaan arrintaasi.

Weerarkaasi waxaa kaloo lagu dhaawacay 2 Askari, kuwaasi oo lagu daaweeyey Isbitaalka Milliteriga ee ku yaalla caasimadda dalka Burkina Faso ee Ouagadougou.