Hindiya waxaa sii kordhaya dadka u la’anaya viruska Covid-19

Wasaaradda caafimaadka Hindiya, ayaa soo warisay in ay u dhimatay xanuunka Covid-19 dad gaarayah 3,293, 24-kii saac ee la soo dhaafay, taas oo wadarta dadka Hindiya ee u geeriyooday xanuunkan ka dhigeeyso illaa 201,187, maaddaama waddanka labaad ee adduunka ugu dadka badan uu yahay dalka Hindiya.

Sidoo kale waxaa la sheegaya in 362,757 oo qof laga helay cudur cusub oo la sheegay in u qayb ka yahay Covid-19, kaas oo kor u qaaday tirada dalka Hindiya ee uu haleelay xanunkan.

Hindiya ayaa hatan safka hore kagag jirta wadamada khatarta ugu jira Covid-19, iyadoo la sheegayo in dalakii uu xanuunkan aafeeyay ay ka soo kabanayaan sida waddamada Mareykanka, Brazil iyo Mexico.

Magaalada caasimada ah New Delhi, ayaa lagu soo rogay xayirad taa oo looga goleeyahay sidii loo xakamayn lahaa faafitanka xanuunkan sidoo kale qaar ka mid ah gobolada dalka Hindiya ayaa dhaqaan galaiyay xayiradah lagu soo rogay oo ay ka mid yihiin goloada koonfurta Maharashtra iyo Karnataka.