IGAD oo soo dhaweeysay dib u soo celinta wada hadallada doorashooyinka

Djibouti- Urur goboleedka Igad ayaa qoraal uu soo saaray kusoo dhaweeyay go’aanadii kasoo baxay madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ee ahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho saldhigeedu yahay heshiiskii 17-kii septembar ay wada saxiixdeen dowladda dhexe, dowladaha xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Qoraalka kasoo baxay Igad ayaa lagu yiri “waxay soo dhaweyneysaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee isku raacay in la caddeeyo mowqifkooda ku aadan xal u helida Arrimaha doorashooyinka ee muranka uu ka jiray Sannadihii Dambe”

IGAD waxay ugu baaqaysaa dhammaan daneeyayaasha inay si dhaqso leh ugu dhaqaaqaan dhameystirka qaab dhismeedka heshiiskii 17-kii Sebtember iyada oo loo marayo wada hadal loo dhan yahay oo hufan oo mudnaanta siinaya himilada shacabka Soomaaliyeed.

Urur goboleedka Igad ayaa ku baaqay in laga fogaado wax walba oo kicin kara colaad iyo qalalaase lana xakameeyo ficilada geysan kara waxyeelada waxaana ay sheegtay in ay sii wadayso taageerada ay u siiso Soomaaliya.

Qoraalkaan Kasoo baxay Igad ayaa qeyb ka noqonaya baaqyo si daba joog ah oo kasoo baxay saacadahii dambe saxibada caalamka eek u aadana xal u helida Ariimaha doorashooyinka Dalka.