Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Madaxweynayaasha Galmudug. Hirshabeelle iyo Murashaxiinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan la yeeshay Madaxweyneyaasha  Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle iyo Midowga Murashaxiinta.

Kulanka waxaa looga hadlay in laga wada shaqeeyo amniga iyo xasilloonida caasimadda iyo in laga shaqeeyo sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho si waafaqsan heshiiskii 17-kii September.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo ka warbixiyay kulanka ayaa sheegay in looga hadlay sidii amniga magaalada Muqdisho laga wada shaqeeyo oo la xoojiyo, isla markaana looga hortegi lahaa waxkasta oo Nabadgelyada wax u dhimaya.