Tartameyaasha Degmada Jilib oo caawa u gudbay wareegga 3aad ee tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 17aad ee wareegga Labaad ku tartamay Degmooyinka Jilib Vs Dharkeynley oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Dhexe iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee  Jilib Vs Dharkeynley ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan,  iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Jilib

Tartameyaasha Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex  su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Dharkeynley, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Jilib ay heleen waxay noqotay Labo iyo toban (12) dhibcood.

Dharkeynley

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal oo kaliya, waxa ay iska qaldeen Afar su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartameyaasha Degmada Dharkeynley, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dharkeynley waxay noqotay Lix (6) dhibcood.

Hadaba kulankii 17aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga 3aad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 18aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona Afar degmo, waxaa qevbta koowaad is arki doona degmooyinka Kismaayo iyo Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir, halka qeybta Labaad ay ku tartami doonaan degmooyinka Xamar weyne iyo Boondheere oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.