Ciidanka kumaandooska Danab oo howlgal ka sameyay Jilib Marka

Jilib Marka- Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa howlgalka  qorsheysan dhan ah maleeshiyadda  Al-shabaab ka fuliyay Deegaanka Jilib Marka oo ka tisan gobolka Shabeellada hoose.
waxayna howlgalka ku burburiyeen gaari qarax sida oo kooxaha argagixisada ah ay ku doonayeen in ay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.
Howlgalka ayaa dhacay dhacay xili hore oo saaka ah ayaa waxaa ujeedkiisu ahaa in lagu bur buriyo dhagaraha cadawgu u maleegayo shacabka Soomaaliyeed isla markaana waxaa ciidanku gaareen fariisimo ay ku dhuumaaleysanayeen maleyshiyaadka Al-shabaab.
Saraakiisha howlgal hogaamineysa ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in howlgalka qorshihiisu ahaa in laga hortago isku dayga cadawga oo gaari Saruf ah ay ugu soo buuxiyeen walaxah qarax ah oo ku doonayay in ay soo galiyaan magaalada Muqdisho si dad shacabka ah ee Sooman ay ku dhibaateeyaan.