Muwaadin Soomaali ah oo xalay lagu dilay Koofur Afrika

Muwaadin Somali ah ayaa habeenkii xalay ahaa lagu dilay Xaafad Ka Tirsan Magaalada Cape Town ee South Africa.

Sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ahaa Dhallinyarada Soomaalida ee tagay  goobtii uu falka ka dhacay ayaa marxuumka magaciisa ku sheegay Xuseen Daahir Afrax waxaana sida la sheegay toogtay koox burcad South Africa ah xilli uu watay Gaarigiisa.

Falkaan dilka ah ayaa habeenimadii xalay  ka dhacay deegaan hoos yimaada Magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika, kooxda burcada ah ee dilka geystay ayaa sida la sheegay  goobta isaga baxsaday.