Wasiirka Warfaafinta XfS oo hambalyo u diray Saxaafadda Soomaaliyeed

ILAYSKA DALKA:-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Osman Abokar Dubbe ayaa hambalyo u diray dhamaan saxafiyiinta caalamka , si gaar ahna waxa uu hambalyada ugu diray saxafiyiinta Soomaaliyeed meel walbo ay dunida ka joogaan.

Wasiirka ayaa bogaadiyey shaqada adag ee ay hayaan saxafiyiinta Soomaaliyeed isaga oo ku dhiiri geliyey in ay dadaalka halkaas kasii wadaan oo ay ka qayb qaataan daddaalada loogu jiro horumarka, nabada iyo dowlad dhisida.

Cusman Abokar Dubbe  ayaa sidoo kale tacsi u diray ehelada dhamaan suxufiyiintii Soomaaliyeed oo geeriyooday ayaga oo ku howlan gudashada waajiboodka shaqo waxaana uu eebe uga baryey in uu naxariistii jano siiyo.

Ugu danbeyn wasiirka ayaa horumar iyo nabad u rajeeyey dhamaan suxufiyiinta Soomaaliyeed isagoo ugu baaqay in ay xooga saaraan ka shaqeynta nabad , horumarka iyo dowladnimada.