Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Ergayga gaarka ah ee Wasaraadda Arrimaha Dibadda Qadar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee  wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Dr Multaq  Alqahtani.

RW Xukuumadda FS iyo ergaygan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha  doorashooyinka dalka.