Ra’iisul Wasaaraha XFS oo hambalyo u diray Saxaafadda Soomaaliyeed

ILAYSKA DALKA:-Guud ahaan 3-da bisha MAY waxa dunida looga dabaal degaa maalinta Xorriyadda Saxaafadda aduunka Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federalk Soomaliya ayaa u diray Saxaafadda Soomaaliyeed fariin Hambalyo ah.

Ra’iisul wasaare Rooble”Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Suxaafadda Adduunka awgeed waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan saxafiyiinta Soomaaliyeed,waxaan ku ammaanayaa ugana mahadcelinayaa suxafiyiinta Soomaaliyeed geesinimada iyo sida ay ugu dhabar adaygeen in ay dalkooda u adeegaan dadkoodana xog siiyaan, iyagoo sanado badan ku shaqeynayay duruufo aad u adag una khatar badan,dowladda Soomaaliya ayaa ka shaqaynaysa in ay helaan xogaha warbaahineed ee ay dowladda uga baahan yihiin”.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha oo la dardaarmaya Saxaafadda ayaa sheegay in ay ka  go’antahay  in la dhowro bad-qabka saxafiyiinta iyo xogsiintooda ay xaqa u leeyihiin xilligan muhiimka ah ee dalkeennu gelayo xaallad doorasho, taas oo saxafiyiintana saaraysa masuuliyad dheeri ah iyo in ay bulshada u gudbiyaan macluumaad la hubo oo la turxaan bixiiyay.