Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo ka War-bixiyay dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee xal u helidda xaaladaha siyaasadda iyo amniga ee dalka.

Shir Jaraa’id uu qabtay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala ayuu kaga warbixiyay dedaalada Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ee xal ka gaaridda muranadii Siyaasadeed ee dalka iyo xaaladihii amni ee ka jiray magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay.

Wasiir Alcaddaala ayaa sheegay in RW uu ku guda jiro sidii horey loogu dhaqaajin lahaa waxyaabihii uu ballanqaaday ee uu War-saxaafadeedkiisii shalayna ku sheegay, kedib markii uu Madaxweynuhu u xilsaaray dhaqaajinta hawlaha doorashooyinka iyo amniga dalka si dib loogu hagaajiyo qalalaasihii siyaasadeed ee dalka ka dhacay.

Talaabooyinkii ugu horeeyay ee xooga la saaray waxa ay ahaayeen arimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, isla markaana hadda la isugu yeeray madaxda maamul-goboleedyada si xal kama danbeys ah looga gaaro doorashooyinka dalka, ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka amniga waxa uu Ra’iisul Wasaaraha maanta howlgaliyay guddi gaar ah oo loo xil saaray sidii ay u fullin lahaayeen amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in Ciidamada qalabka sida ay ku laabtaan xeryahooda iyagoon kala sooc lahayn, guddigaas maanta ayuu hawl bilaabay.

Sidoo kale Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala ayaa sheegay in ay jiraan Siyaayisiin raba inay waxba kama jiraan ka soo qaadaan dadaalka Ra’iisul wasaaraha iyo horumarka Isfahan ee la xaqiijiyay kuwaa oo wali faraha kula jira ciidamada, waxa uu siyaasiyiintaasi faray in ay ka digtoonaadaan inay sameeyaan wax aanan saacideyn dadaaladii nabada ee la waday.

Ugu danbeyn Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ayaa dhamaan ciidamada qalabka sida faray inay faraha la galaan wax ka baxsan waajibaadkooda qaranka ee ah inay difaacaan dalka.