Wado muhiimka u ah iskusocodka Degmada Dhuusamareeb oo Dayactir lagu bilaabay

Waddadaan oo Halbowle u ah isu socodka Gaadiidka iyo Dad waynaha Xaafada Dayax ee Magaalada Dhusamareb ayaa laga bilaabay Dayactir iyo Hagaajin ka dib markii ay gooyeen Daadadka Roobabkii Dhowaan Magaalada ka da’ay.

Howshaan ayaa waxaa si isxilqaan ah ku wada Bulshada Xaafada Dayax iyo Dhalinyarada Magaalada waxaana Waddada la saarayaa Cara-kaawo iyo Jaay.

Gudoomiyaha Xaafada Dayax Axmed siciid iyo C/llaahi Salaad oo ka mid ah Guddiga Dhismaha Waddadan ayaa sheegay in hawsha dib u dayactirka waddan ay meel wanaagsan mareyso.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa Dhalinyarada dhisaysa Waddada Xaafada Dayax ku dhiiri galiyey, kuna amaanay Shaqada ay Bulshada u hayaan waxuuna Balanqaaday in uu bixinayo 30 Kaariko oo Caro Kaawo ah.

Dhismaha wadaadaan ayaa waxa ay qayb ka tahay Howlo iskaa wax u qabso ah oo Bulshada Magaalada ay dhowaan bilaabeen waxaana Qorshaha ku jira in Waddooyin kale la dhiso.