Shacabka Magaalada Dhuusamareeb oo si isxilqaan ah u dayactiraya wada muhiim ah

Magaalada Dhuusamareeb aya si isxilqaan ah dayactir uga bilaabay  wado muhiim u ah isu socodka Gadiidka iyo dadweynaha oo ku taal Xaafada Dayax Magaalada Dhuusamareeb.

Wadadan ayaa waxa gooyey daa’dad ka dhashay roobab dhawaan ka da’ay magaalada taas oo samayn ku yeelatay Bulshada iyo Gadiidleyda isticmaali jirtay wadada.

Guddoomiyaha Xaafada Dayax, Axmed Siciid iyo C/laahi Salaad oo ka mid ah Guddiga Dhismaha Wadada aya sheegay in howsha dhismaha jidkan uu meel fiican marayo,waxa una dhaliyarada Magaalada Dhuusamareeb ugu mahadceliya da’daalada ay dib ugu dhisanayaan wadooyinka Burbursan ee magaalda dhex mara.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore ayaa Dhalinyarada dhisaysa Wadadan ku dhiiri galiyey Shaqada ay Bulshada u hayaan waxa uuna Balanqaaday inuu bixinayo 30 Loor oo Caro-Kaawo ah.