Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo guddi u magacaabay kiiska caruurtii lagu dilay Magaaladda Baydhabo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magacaabay Guddiga baaris kumeel gaar ah oo natiijo dhab ah ka keena kiiska caruurta lagu dilay Magaaladda Baydhabo.

Waxaa warbaahinta la wadaagay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyodda Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Cali Ibraahim.

Halkaan hoos ka daawo muuqaalka magacaabista guddiga

 

Wasiirada Cadaaladda iyo Duulista Hawada oo kulan afur ah la qaatay ciidamada amniga

Si loo dhiiri geliyo saraakiisha iyo Ciidamada sugaya Nabadgelyada magaalada Muqdisho ayaa Wasiirada Cadaaladda iyo Duulista Hawada, Gudoomiayaha Degmada Hodan,  Taliyaha qeybta guud ee Bookiska Gobolka Banaadir  iyo Saraakiil kale waxa ay la afureen qaar kamid ah ciidamada Ammaanka

Wasiirka Gadiidka iyo duuliska hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Faarax ayaa uga mahadceliyey saraakiisha iyo ciidanka shaqada ay u hayaan bulshadooda, isagoo xusay in ciidamada ay har iyo habeenba u taaganyihiin xaqiijinta nabadgelyada caasimadda.

Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in sababta ay ula afurayeen saraakiisha ay ahayd dhiiri galinta ciidamada Habeen iyo maalin u taagan sugida Ammaanka caasimadda iyo dhambaal bogaadin ah oo ay uga sideen Madaxda sare ee dalka.

Ciidamada Ammaanka ayaa sare u qaaday sugidda Nabadgelyada Caasimadda tan iyo bilowga Bishaan Ramadaan.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed oo la afuray ciidamada sugaya amniga magaalada Baydhabo

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) oo ay wehliyaan Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta, Mudane Kheyre Cali Isaaq, Taliyaha Booliska Gobolka Baay Amiin Mad Daruur iyo Taliyaha Saldhiga Degmada Baydhabo Mukhtaar Axmed Dugudow ayaa la afuray qaar kamid ah ciidanka ku guda jira sugida amniga Magaalada Baydhabo, si ay ugu dhiiri geliyaan howsha Wanaagsan ee ay hayaan isla markaana loogu muujiyo in Mas’uuliyiinta Dowladdu ay garab taagan yihiin.

Wasiir Ilyaas Qalinle ayaa sheegay in Afurka uu u sameeyay ciidanka uu qeyb ka yahay amarka Madaxweynaha ee ku aadan dhiira gelinta Ciidanka, wuxuuna tilmaamay in ay ka go’an tahay dhiiri gelinta iyo sare u qaadidda muraalka ciidanka, si loogu guuleyso kooxaha Argagixisada.

Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka Baydhabo in ay la shaqeeyaan ciidamada si looga guuleysto kooxda nabad iyo nolol diidka ah ee Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaare Rooble oo ka qeyb galay Kulan Afur ah oo uu sameeyey Madaxweynaha Hirshabeelle

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa hoyga uu ka degan yahay magaalada muqdisho kulan afur ah ugu sameeyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor , Midowga Musharixiinta iyo xubno Wasiiro ah.

Kulankaan ayaa waxaa diirada lagu saaray amniga iyo xasilinta Magaalada Caasimada ee Muqdisho, sidoo kale Kulankaan waxaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay qabsoomida Doorashoooyin la isla ogolyahay oo si nabdoon ku dhaca.

Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa soo dhoweysay shirka uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada isugu yeeray Dowlad Goboleedyada, waxaana marwalba ay diyaar u tahay ka shaqeynta danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Umulisada oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo Xildhibaanno ayaa ka qeyb galay  munaasabad lagu xusayey maalinta Caalamiga ah ee Umulisada oo lagu qabtay Muqdisho.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, dhakhaatiir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee Umulisada oo dunida oo dhan lagu xuso maanta oo kale.

Munaasabadda oo diiradda lagu saaray ahmiyada ay leedahay ka warqabka xogta Hooyada iyo dhallaanka iyo xoojinta maalgelinta umulisooyinka, maadaama ay door weyn ka qaataan badbaadada Hooyada iyo Dhallaanka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha arrimaha qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Ubax Faarax Axmed iyo Agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Ibraahim Maxamed Nuur waxeyna sharaxeyn ahmiyadda ay leedahay garab istaaga umulisooyinka oo haya shaqo adag.

Guddoomiyaha ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed Dr Maxamed Yuusuf iyo Dr Luul Salaad Maxamuud ayaa xusay inay muhiim tahay in la tayeeyo umulisooyinka, si loo yareeyo  dhimashada Hooyada iyo Dhallaanka oo weli dalka aad ugu badan.

Xildhibaan Canab Xasan Cilmi ayaa umulisooyinka ku dhiirigelisay inay laba jibaaraan shaqooyinka adag oo ay u hayaan bulshadooda.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Dr Fowziya Abiikar Nuur oo munaasabada soo xirtay ayaa sheegtay inay xooga saari doonaan tayeynta iyo maalgelinta umulisada si ay u joogteeyaan shaqooyinka naf hurnimada leh oo ay dalka iyo dadka u hayaan.

Madaxweynaha Galmudug oo soo dhaweeyey go’aanadii kasoo baxay guddigii farsamada ee Ra’iisul Wasaare Rooble u xilsaaray xallinta xasaradihii Muqdisho.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa soo dhaweeyey go’aanadii kasoo baxay guddigii farsamada ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u xilsaaray xallinta xasaradihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, isaggoo rajo wanaagsan ka muuiyey hirgelinta go’aanadaan.

“Waxaan soo dhaweyneynaa go’aannadii ka soo baxay guddigii farsamada ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u xilsaaray xallinta xasaradihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, Waxaan rajeynaynaa in hirgelinta go’aamadaas si dhaqsa leh u dhaqan galaan si loo sii wado dadaalada kale geeddi socodka dowladnimada”

Guddigii farsamada ee Ra’iisul Wasaare Rooble u xilsaaray xallinta xasaradihii dhawaan ka dhacay Muqdisho oo heshiisyo soo saaray

Kulan uu shir guddoomiyay Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka dhacay hoyga Madaxweynaha Galmudug ayaa looga dhawaaqay go’aannadii ka soo baxay guddigii farsamada ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u xilsaaray xallinta xasaradihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qodobada heshiiska galabta lagu gaaray magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah:

  1. In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.
  2. In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.
  3. In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan.
  4. In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.
  5. In Ra’iisul Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida.
  6. In aysan ku milmin arrimaha Siyaasadda.
  7. In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.
  8. In la magacaabo guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka.
  9. In aan Ciidamada Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.
  10. In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb.
  11. In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray.
  12. Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.

Qodobbada Heshiiskii Galabta lagu gaaray Muqdisho

Qodobada heshiiska galabta lagu gaaray magaalada Muqdisho.

1. In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.

2. In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.

3. In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan.

4. In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.

5. In Ra’iisul Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida.

A. In aysan ku milmin arrimaha Siyaasadda.

B. In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.

6. In la magacaabo guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka.

7. In aan Ciidamada Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.

8. In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb.

9. In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray.

10. Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.

Madaxwaynihii hore JFS Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey Dadaalada Ra’isul Wasaare Roble.

Madaxwaynihii hore Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ahna Musharax Madaxwayne mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyey dadaaladda iyo shaqada wanaagsan ee uu wado Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan bogaadinayaa dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee xal u helidda xiisadda ka dhalatay muddo kororsigii, sidoo kale waxaan soo dhaweynayaa shirka uu ku baaqay 20ka bishan.

Dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in ay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku garab istaagaan hirgelinta doorasho xor ah oo dalkeena ka dhacda”. Ayuu yiri Madaxwaynihii hore JFS Ahna Musharax Madaxwayne mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasaaradda Waxbarashada oo hal toddobaad dib u dhigtay Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga sare

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in muddo todobaad ah dib loo dhigay imtixaanka Shahaadia ah ee dugsiga sare.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:-

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay halkaan kula wadaagaysaa dhammaan bahda Waxbarashada gaar ahaan masuuliyiinta dalladaha, maamulayaasha dugsiyada, ardayda iyo waalidiinta in imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare uu ku yimid dib dhac kooban oo ah asbuuc. Dib u dhacaan oo ka yimid culeysyada soo kordhay maalmihii la soo dhaafay, taas oo saamaysay ardayda, ayay Wasaaraddu garawsatay in lagama maarmaan ay tahay in ardayda la siiyo waqti dheeri ah si ay isugu diyaariyaan imtixaanka.

Haddaba, Wasaaraddu iyada oo ka amba-qaadeysa dib-u-dhacaas ayaa waxay halkaan idinkula wadaageysa in imtixaanka sannad-dugsiyeedkan 2020/21 la qaadi doono 29ka Maajo illaa 2da Juunyo, 2021. Sidaas daraadeed, Wasaaraddu waxay ku boorinaysaa dhammaan ardayda ka qayb-gelaya imtixaanka in ay waqti siiyaan muraajacada cashirrada si ay ugu guuleeystaan imtixaanka ayna u helaan natiijo ku habboon dedaalkooda.

Wasaaraddu waxay u rajaynaysaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee sanadkaan imtixaanka u fariisanaya Nasiib Wanaagsan iyo Mustaqbal Horumarsan.