Wasiirada Cadaaladda iyo Duulista Hawada oo kulan afur ah la qaatay ciidamada amniga

Si loo dhiiri geliyo saraakiisha iyo Ciidamada sugaya Nabadgelyada magaalada Muqdisho ayaa Wasiirada Cadaaladda iyo Duulista Hawada, Gudoomiayaha Degmada Hodan,  Taliyaha qeybta guud ee Bookiska Gobolka Banaadir  iyo Saraakiil kale waxa ay la afureen qaar kamid ah ciidamada Ammaanka

Wasiirka Gadiidka iyo duuliska hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Faarax ayaa uga mahadceliyey saraakiisha iyo ciidanka shaqada ay u hayaan bulshadooda, isagoo xusay in ciidamada ay har iyo habeenba u taaganyihiin xaqiijinta nabadgelyada caasimadda.

Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in sababta ay ula afurayeen saraakiisha ay ahayd dhiiri galinta ciidamada Habeen iyo maalin u taagan sugida Ammaanka caasimadda iyo dhambaal bogaadin ah oo ay uga sideen Madaxda sare ee dalka.

Ciidamada Ammaanka ayaa sare u qaaday sugidda Nabadgelyada Caasimadda tan iyo bilowga Bishaan Ramadaan.