Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed oo la afuray ciidamada sugaya amniga magaalada Baydhabo

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) oo ay wehliyaan Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta, Mudane Kheyre Cali Isaaq, Taliyaha Booliska Gobolka Baay Amiin Mad Daruur iyo Taliyaha Saldhiga Degmada Baydhabo Mukhtaar Axmed Dugudow ayaa la afuray qaar kamid ah ciidanka ku guda jira sugida amniga Magaalada Baydhabo, si ay ugu dhiiri geliyaan howsha Wanaagsan ee ay hayaan isla markaana loogu muujiyo in Mas’uuliyiinta Dowladdu ay garab taagan yihiin.

Wasiir Ilyaas Qalinle ayaa sheegay in Afurka uu u sameeyay ciidanka uu qeyb ka yahay amarka Madaxweynaha ee ku aadan dhiira gelinta Ciidanka, wuxuuna tilmaamay in ay ka go’an tahay dhiiri gelinta iyo sare u qaadidda muraalka ciidanka, si loogu guuleyso kooxaha Argagixisada.

Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka Baydhabo in ay la shaqeeyaan ciidamada si looga guuleysto kooxda nabad iyo nolol diidka ah ee Al-Shabaab.