Madaxweynaha Galmudug oo soo dhaweeyey go’aanadii kasoo baxay guddigii farsamada ee Ra’iisul Wasaare Rooble u xilsaaray xallinta xasaradihii Muqdisho.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa soo dhaweeyey go’aanadii kasoo baxay guddigii farsamada ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u xilsaaray xallinta xasaradihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, isaggoo rajo wanaagsan ka muuiyey hirgelinta go’aanadaan.

“Waxaan soo dhaweyneynaa go’aannadii ka soo baxay guddigii farsamada ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u xilsaaray xallinta xasaradihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, Waxaan rajeynaynaa in hirgelinta go’aamadaas si dhaqsa leh u dhaqan galaan si loo sii wado dadaalada kale geeddi socodka dowladnimada”