Madaxwaynihii hore JFS Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey Dadaalada Ra’isul Wasaare Roble.

Madaxwaynihii hore Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ahna Musharax Madaxwayne mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyey dadaaladda iyo shaqada wanaagsan ee uu wado Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan bogaadinayaa dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee xal u helidda xiisadda ka dhalatay muddo kororsigii, sidoo kale waxaan soo dhaweynayaa shirka uu ku baaqay 20ka bishan.

Dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in ay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku garab istaagaan hirgelinta doorasho xor ah oo dalkeena ka dhacda”. Ayuu yiri Madaxwaynihii hore JFS Ahna Musharax Madaxwayne mudane Xasan Sheekh Maxamuud.