Xuska Maalinta caalamiga ah ee Umulisada oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo Xildhibaanno ayaa ka qeyb galay  munaasabad lagu xusayey maalinta Caalamiga ah ee Umulisada oo lagu qabtay Muqdisho.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, dhakhaatiir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee Umulisada oo dunida oo dhan lagu xuso maanta oo kale.

Munaasabadda oo diiradda lagu saaray ahmiyada ay leedahay ka warqabka xogta Hooyada iyo dhallaanka iyo xoojinta maalgelinta umulisooyinka, maadaama ay door weyn ka qaataan badbaadada Hooyada iyo Dhallaanka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha arrimaha qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Ubax Faarax Axmed iyo Agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Ibraahim Maxamed Nuur waxeyna sharaxeyn ahmiyadda ay leedahay garab istaaga umulisooyinka oo haya shaqo adag.

Guddoomiyaha ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed Dr Maxamed Yuusuf iyo Dr Luul Salaad Maxamuud ayaa xusay inay muhiim tahay in la tayeeyo umulisooyinka, si loo yareeyo  dhimashada Hooyada iyo Dhallaanka oo weli dalka aad ugu badan.

Xildhibaan Canab Xasan Cilmi ayaa umulisooyinka ku dhiirigelisay inay laba jibaaraan shaqooyinka adag oo ay u hayaan bulshadooda.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Dr Fowziya Abiikar Nuur oo munaasabada soo xirtay ayaa sheegtay inay xooga saari doonaan tayeynta iyo maalgelinta umulisada si ay u joogteeyaan shaqooyinka naf hurnimada leh oo ay dalka iyo dadka u hayaan.