MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN LA QAATAY DHAKHAATIIRTA LA TACAALAYA CUDURKA COVID-19

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay qaar ka mid ah dhakhaatiirta iyo adeegayaasha caafimaad ee la tacaalaya xakamaynta cudurka COVID-19 ayaa ku bogaadiyey dadaalladooda naf hurka ah ee ay ku bixinayaan ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay dadaallada ay Dowladdu gelisay kor u qaadidda adeegyada caafimaad ee dalka, iyo guulaha la taaban karo ee laga gaarey xakamaynta Cudurka, iyada oo sidoo kale xil gaar ah la iska saaray daryeelka adeegayaasha caafimaadka.

“Waxaad aad tihiin halyeeyo baal dahab ah ka galaya taariikhda dalkan. Waxaan idiin ka mahad-celinayaa sida geesinimada, naf hurka iyo daacadnimadu ku jirto ee habeen iyo maalinba aad ugu soo jeeddaan shacabkiinna iyo sidii aan u xakameyn lahayn halista caafimaad ee cudurkan safmarka ah.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo hoggaansamo talooyinka iyo awaamiirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabkooda, iyada oo ay weli taagan tahay khatarta cudurku. Madaxweynaha ayaa adkeeyey walwalka ku aaddan halista ka imaan karta in mawjadaha cusub ee cudurkani dalka soo gaaraan, isaga oo ku boorriyey shacabka in ay qaataan tallaalka cudurka COVID-19 si ay ka hortag ugu noqoto cudurkan safmarka ah.

“Waxaan idinku boorrinayaa in aad u dhega nuglaataan talooyinka caafimaad oo aad qaadataan tallaalka cudurka COVID-19, waa ka hortag wanaagsan wax dhibaato ahna malaha. Talaalka anigu waan qaatay dadbadan oo Soomaaliyeedna way qaateen waana ka hortag aan dhib lahayn. Ilaahay aan talo saaranno oo aan dadaalno ”

Kulankan oo ay goobjoog ka ahayd Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Fowsiya Abikar Nuur iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Axmed Xuseen Macallin ayaa Dhakhaatiirtu waxa ay Madaxweynaha kula wadaageen warbixin ku saabsan halista cudurkan safmarka ah, saameynta uu ku yeeshay dalkeenna iyo duruufaha ay ku shaqeynayaan halyeeyada caafimaadka ee u taagan samata-bixinta dadkeenna.

Amiirka Qatar oo war ka soo saaray dib u soo noqoshada xiriirka Soomaaliya iyo Kenya

Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweynayo dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Amiirka ayaa sheegay in go’aankii lagu soo celiyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid geesinimo leh, isagoo labada dal u rajeeyey inay hadda kadib ka wadashaqeeyaan amniga iyo xasiloonidooda.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Mudane Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Madaxweyne Kenyatta go’aanka xigmadda iyo geesinimada leh ee ay ku soo celiyeen xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan si dhab ah ugu rajeynaynaa labada dal ee deriska ah iyo dadkooda nabadgelyo iyo xasilooni, waxaan xaqiijinayaa in Qatar waligeed sii wadi doonto ku dadaalka wanaaga iyo nabadda” ayuu Amiir Tamim ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

 

Shirka Toddobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir oo looga hadlay sare u qaadidda Dakhliga iyo Bilicda Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta guddoomiyay Shirka Todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir oo ay goob-joog ka ahaayeen Ku-xiggeenada Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka.

Shirkaan ayaa looga hadlay dar-dar gelinta Howlaha Nadaafada iyo Bilicda Magaalada Muqdisho, maadaama la guda galay xilli roobaad, isla markaana maalmo ay naga xigaan Maalinta Ciida Soonfur.

Sidoo kale shirkaan ayaa looga hadlay sare u qaadida dakhliga Dowlada Hoose ee Xamar.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kormeeray furista wadooyinkii ku xirmay Khalalaasihii Muqdisho.

Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Guddigii uu u magaacabay xal ka gaarista khalalaasihii Muqdisho ayaa galabta waxey kormeereen wadooyinkii ku xirmay Khalalaasahaasi oo dib loo furay, ka dib markii Ciidamadii ay dib ugu noqdeen Xeryahoodii, iyaggoo u hoggaansamay heshiiskii shalay la gaaray.

Talaabadaan uu qaaday Ra’iisul wasaare rooble ayaa waxaa soo dhaweeyey Shacabka Soomaaliyeed oo maalmihii dambe darreemayey walaac ku saabsan xiisadii ka taagneyd magaaladda Muqdisho.

Wasiirka Waxbarashada oo Aalladda fogaan aragga kula kulmay bahda deeq-bixiyayaasha Mashruuca GPE

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji  ayaa Aaladda fogaan aragga (Zoom) kulan kula qaatay bahda deeq bixiyayaasha mashruuca GPE waxayna ka wada hadleen sii adkeynta wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac ee dhanka adeegyada Waxbarshada,  gaar ahaan mashruuca GPE.

Sidoo kale Wasiirka iyo Wakiilada deeq bixiyayaasha mashruuca GPE waxay ka wada hadleen qorsheynta wajiga 2aad ee mashruucan.

Waxaa shaqa wanaagsan laga qabtay sanadahii u danbeeyay wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda Waxbarshada iyo taageerayaasha Caalamka ee Waxbarashada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in ay dib u soo celisay xiriirkii dibolomaasiyadeed ee ay la lahayd dowladda Kenya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dib u celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladda Kenya.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo goordhaw la hadlay Warbaahinta ayaa u akhriyay war-murtiyeedka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Hadaba halkan ka akhriso War-murtiyeedka

War-murtiyeedka wadajirka ah ee dib-u-soo-celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay iyadoo la ilaalinayo danaha deris wanaaga, ku dhawaaqaysaa in ay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Jamhuuriyadda Kenya.

Dowladda Jamhuuriyadda Kenya waxay soo dhawaynaysaa tallaabadan lagu ilaalinayo danaha daris-wanaagga labada dal.

Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha.

Madaxweynayaasha labada dal waxay Amiirka Dowladda Qatar uga abaal hayaan, ugana mahadcelinayaan dadaalkii uu ka geystay arrintan.

Ururada Bulshada Rayidka Hiiraan oo doortay guddoomiye cusub

Xubnaha Ururada Bulshada Rayidka gobolka Hiiraan ayaa manta guddoomiye cusub oo hoggaamiya ururadaasi u doortay Dr. caisho abukar cabdule oo xilkaasi qaban doonta muddo labada sano ah ee soo socota.

Xilka gudomiyaha ururada  bulshada rayidka ee gobolka hiiraan oo ay u tartameen laba musharax,waxaa ka codeeyay ergooyin laga soo kaa xulay qeybaha ururada  bulshada rayidka.

Guddoomiyaha cusub ee ururada  bulshada rayidka ee gobolka hiiraan Dr. caisho abukar cabdule waxa ay ku guuleysatay 13 cod halka farxiyo maxamed bilow ay heshay 7 cod.

Qarkanid bushada magalada beledweyne oo kaqeybgalay dorashada ayaa  u hambalyeyay gudomiyaha ladortay ee ururada bulshada rayidka .

Casho Abukar Xussen gudomiyaha ururada bhlshada rayidka ee gobolka hiiraan ee ladortay aya sheegtay in ay ka shaqeyn donta hormarinta ururada bulshada .

Afhayenka Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdi Mumin Xiish oo gobjoog ka aha dorashada ayaa bogadiyay sida ay ururada bulshada rayidka gobolka  u qabteen dorashadaasi.

Wasiirka Warfaafinta K/Galbeed oo afur u sameeyay ciidamo u xilsaran amniga Baydhabo”

Beyshabo- Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay la afuray qaar kamid ah ciidanka ku howlan jira sugidda amniga ee Magaalada Baydhabo.

Afurkaasi oo ay Wasiirka kala qeybgaleen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Kheyre Cali Isaaq, taliyaha Booliska Gobolka Baay Amiin Mad Daruur iyo taliyaha Saldhiga Degmada Baydhabo Mukhtaar Axmed Dugudow,waxa uu qeyb ka yahay dhiiri gelinta  howsha Wanaagsan ee ay hayaan ciidanka.

Wasiir, Ilyaas Qalinle ayaa sheegay in Afurka uu u sameeyay ciidanka uu qeyb ka yahay amarka Madaxweynaha ee ku aadan dhiira gelinta Ciidanka, wuxuuna tilmaamay in ay ka go’an tahay sare u qaadidda niyada ciidanka iyo la socodka xaaladda ciidamada.

Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka Baydhabo in ay la shaqeeyaan ciidamada si looga guuleysto kooxda nabad iyo nolol diidka.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Boliiska oo tababar loogu soo xiray Gaalkacyo

Gaalkacyo.(SONNA)…Mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug,Saraakil iyo kan Degmada Gaalkacyo ayaa ka qeybgalay xiritaanka tababarka aqoonkororsi ah oo ay ka qeybgaleen saraakiil ka tirsan ciidanka Boliiska ee maamulkaasi.

Tababarkaan oo socanayay muddo 12 cisho ah waxaa lagu  baranaayey habraaca ka hortagga dambiyada iyo baaristooda,waxaana xiritaankii ka qeybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caddaalada Maxamuud Guure Guuleed, taliyaha saldhiga Booliiska Dagmada Galkacyo labo xidigle Cali Xirsi Sahal ,taliye xigeenka qeybta Boliiska Gobalka gaashaanle Maxamed Xasan Warsame .

Taliyaha Saldhiga Booliiska Dagmada Gaalkacyo labo xidigle cali xirsi sahal, ayaa ka mahad celiyay tababarka ay bixiyeen  qareenno ka socday dowlada fadaraalka soomaaliya ee la siiyay saraakiisha boliiska dagmada gaalkacyo ,wuxuuna kula dar daarmay saraakiisha in howshooda ay ku dabbaqaan aqoonta durugsan ee ay ku qaateen tababarkaasi.

Waxaa kaloo xiritaankii tababarkaasi  goob joogayaaal ka ahaa xeer ilaaliyaha qeybta 21aad  G/sare  Cabdullaahi Maxamed Muuse keyse ,Gudoomiyaha Maxkamada Gobalka Mudug avv C/risaaq Cali Yuusuf, xeer ilaaliyaha  Maxkamada avv Cabdi Xakiim Maxamed Xirsi  iyo kuwo kale.

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shariif Sh. Axmed oo soo dhaweeyey heshiiskii cawa la gaaray

Madaxweynihii Hore ee Somalia Shariif Sh. Axmed “Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska laga gaaray rabshadihii ka dhashay muddo kordhinta, anigoo codkayga ku biirinaya in ciidamada qalabka sida ee geesiyayaasha aan marna la siyaasadeyn oo ay ku laabtaan xarumahoodii”.

Waxaan kaloo bogaadinayaa dadaalada Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda, iyadoo aan ka rajeyneyno in heshiis laga gaaro doorashooyinka iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 September.

Waxaan ku celinaynaa markale in gacmaha la isku qabsado sidii looga gudbi lahaa marxaladdan adag ee kala guurka, iyadoo wax kasta lagu bixinayo dib uheshiin, isqancin iyo isku tanaasul.

Waxaan u mahad celinayaa guddiyadii kasoo shaqeeyey heshiiska, maamulada xubnaha ka ah dowladda dhexe, iyo sidoo kalena saaxiibada caalamka ee waqtiga ku bixiyay in lagu laabto heshiiskii 17 September 2020.