Ra’iisul wasaare Rooble oo kormeeray furista wadooyinkii ku xirmay Khalalaasihii Muqdisho.

Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Guddigii uu u magaacabay xal ka gaarista khalalaasihii Muqdisho ayaa galabta waxey kormeereen wadooyinkii ku xirmay Khalalaasahaasi oo dib loo furay, ka dib markii Ciidamadii ay dib ugu noqdeen Xeryahoodii, iyaggoo u hoggaansamay heshiiskii shalay la gaaray.

Talaabadaan uu qaaday Ra’iisul wasaare rooble ayaa waxaa soo dhaweeyey Shacabka Soomaaliyeed oo maalmihii dambe darreemayey walaac ku saabsan xiisadii ka taagneyd magaaladda Muqdisho.