Ururada Bulshada Rayidka Hiiraan oo doortay guddoomiye cusub

Xubnaha Ururada Bulshada Rayidka gobolka Hiiraan ayaa manta guddoomiye cusub oo hoggaamiya ururadaasi u doortay Dr. caisho abukar cabdule oo xilkaasi qaban doonta muddo labada sano ah ee soo socota.

Xilka gudomiyaha ururada  bulshada rayidka ee gobolka hiiraan oo ay u tartameen laba musharax,waxaa ka codeeyay ergooyin laga soo kaa xulay qeybaha ururada  bulshada rayidka.

Guddoomiyaha cusub ee ururada  bulshada rayidka ee gobolka hiiraan Dr. caisho abukar cabdule waxa ay ku guuleysatay 13 cod halka farxiyo maxamed bilow ay heshay 7 cod.

Qarkanid bushada magalada beledweyne oo kaqeybgalay dorashada ayaa  u hambalyeyay gudomiyaha ladortay ee ururada bulshada rayidka .

Casho Abukar Xussen gudomiyaha ururada bhlshada rayidka ee gobolka hiiraan ee ladortay aya sheegtay in ay ka shaqeyn donta hormarinta ururada bulshada .

Afhayenka Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdi Mumin Xiish oo gobjoog ka aha dorashada ayaa bogadiyay sida ay ururada bulshada rayidka gobolka  u qabteen dorashadaasi.