Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo markale bilowday dhageysiga Kiiska Marxuum Cabdixakiim Dhegajuun

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta mar kale u fariisatay dhageysiga dacwadda dilka Guddoomiyihii Maamulka degmada Hodan AUN Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (DhagaJuun).

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Cabdullaahi Buulo Kameey ayaa Maxkamadda ka horjeediyay cadeymaha loo haayo eedeysanayaasha ku lugta leh dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan.

Gaashaale sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sido oo furay dacwadda ayaa sheegay in maanta ay tahay markii labaad oo la dhageysanaayo Kiiska si uu cadaalad u helo Guddoomiyihii degmada Hodan Marxuum Cabdixakiim Dhegajuun oo horaantii sanadkan lagu dilay degmada Howlwadaag.

Taliyaha Booliska oo hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ay weheliyaan Taliye ku Xiggeenka iyo Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii Hore Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada hadlay qorshaha sugidda amniga Musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka.

Midowga Afrika oo Madaxweynihii hore ee Ghana u soo magcaabay Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa Madaxwaynihii hore Jamhuuriyadda Ghana H.E John Dramani Mahama u soo magacaabay inuu noqday Ergayga Gaarka ah ee Soomaaliya.

Ergeygaan gaarka ah ayaa Soomaaliya kala shaqeyn doona arrimaha siyaasadda iyo Doorashooyinka la filayo in dalka ay ka dhacaan.

Ra’iisul wasaare Rooble oo gaaray magaaladda Jeddah ee dalka Sacuudiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta gaaray magaalada Jeddah, isaggoo ku sii jeeda magaalada barakeysan ee Makka,si uu u soo Cumreysto.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaaladda Jeddah kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan boqortooyadda Sacuudiga, waxaana lagu wadaa ra’iisul wasaaraha inuu kulamo la qaato madaxda dalkaasi.

Carruur ku dhimatay guri ku yaala Buula Xuubeey oo uu roob u soo galay xalay

Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa xaqiijiyay in 7 carruur ah ay ku geeriyoodeen guri ku yaala Degmada Wadajir kaddib markii ay biya ugu soo galeen guriga, kaasi oo ka dhashay roobkii xalay ka da’ayay magaalaga caasimadda ah ee Muqdisho.

7-da carruurta ah ee guriga ku geeriyootay ayaa saddex ka mid ah waxa ay ahaayeen isku hooyo, labo waa ay wada dhasheen halka labada kale ay ahaayee ka mid ahaayeen qaraabada reerka musiibada ku habsatay sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka ciidanka Booliska Sadiiq Aadan Cali.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in qoyska ay mar dhaw dageen guriga biyaha ugu soo galay, kuwaasi oo kolkii hore biyo darteed uga soo barakacay xaafado kale oo ku yaala magaalada Muqdisho, balse ugu dambeyn gurigii ay maciin bideen ayaa waxaa ku qabsatay musiibo kale.

 

Dowladda Hoose ee Xamar oo shaqo ka qabatay dib u furidda isgoyska Miranaayo

Iyaddoo la fulinayo amarka Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa Waaxda Howlaha Guud ee Dowladda Hoose ee Xamar waxaay shaqa ka qabteen isgoyska Miranaayo oo malhaan u xirnaa.

Howlwadeennada Waaxda Howlaha Guud ayaa gebi ahaanba ka qaaday carradii la dhigay bariga magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Miranaayo, waxaana dib loo furay dhamaan waddooyinka magaalada.

 

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA XILDHIBAAN CABDULLAAHI SHEEKH ISMAACIIL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ahaa mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil uu muddo dheer u soo adeegayey dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isaga oo door muhiim ah ku lahaa geeddi-socodkii dowlad dhiska Soomaaliya. Marxuumka oo xilal kala duwan soo qabtay ayaa noqday Ra’iisal Wasaare Ku-xigeen, Wasiir, Danjire iyo xilligan oo uu ahaa xildhibaan aad looga qadariyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil. Marxuumku muddo dheer ayuu u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed, waxa uuna door ku lahaa geeddi-socodkii dowlad dhiska Soomaaliya, isaga oo xilal muhiim ah ka soo qabtay Xukuumadihii kala danbeeyey ee dalka soo maray.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

R/Wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray Sacuudi Carabiya

R/Wasaaraha Xukuumaddda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ka  ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,iygoo gaaray Dalka Sacuudi Carabiya.

Wafdigaasi oo ay Garoonka ku sii sagootiyeen xubno ka tirsan labada Gole,.waxaa la filayaa in ay ka qeybgalaan gudashada acmaasha Cimrada.

Safarka wafdiga uu hoggaaminaayo Mudane Rooble oo qaadan doona dhowr cisho,waxaa sidoo kale qeyb ka ah kulammo lala yeelan doono  madaxda DalkamSacuudi carabiya

Dhinaca kale,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeysy geerida marxuum Cabdullaahi Sheekh  Ismaaciil oo horay u Soo noqday ra’iisal wasaare ku xigeen  iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya.

Mudame Roole,Waxa uu alle uga baryay in jannadii Firdowsa uu ka waraabiyo marxuumka,qoyskii uu ka baxay, Asaxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeedna samir iyo Iimaan..

Maamulka Galmudug oo wada qorshe lagu dayactirayo waddooyinka

Maamulka Magaalada Dhusamareb ayaa wada qorshe lagu dayactirayo waddooyinka,isla markaana biyaha wasaqda ah looga saarayo bartamaha Magaalada ,ka dib kolkii uu khalkhal ku yimid isu socodkii gaadiidka iyo dadwynaha.

Gudoomiyaha Magaalada Dhusamareb Macalin C/raxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow iyo ku-xigeenkiisa Amniga iyo Siyaasada Cabdi Xaashi Caroole ayaa kormeer ku tagag Goobaha ay ka socanayaan Dayactirka Wadooyinka ,kuwaas oo wax looga qabanayo Daadadkii ka dhashay Roobabka xilligaan.

Gudoomiyaha ahna Duqa Magaalada Macalin C/raxmaan Geeda-qorow ayaa xusay  in Dhismayaasha cusub oo aan lahayn Hanaan la jaan qaadaya Magaalada ay dhaliyeen caqabad,isla markaana ay hor-istaageen meelihii ay ka bixi jireen biyaha magaalada .

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in  Maamulku ay wadaan Qorsha  la doonayo in lagu hagaajiyo waddooyinka,waxa uuna ugu baaqay cid waliba ay Gacan ka geysato adadaalkaaisi,isagoo dhinaca kale u Mahad celiyey bulshada magaalada oo si is xilqaan ah ku dhisayana qaar ka mid ah wadooyinka.

Tababar Aqoon-kororsi ah oo lagu soo gabagabeeyay Galmudug

Samareeb- Maamulka Wasaaradda Waxbarashada ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Magaalada Samareeb ku soo gabagabeysay tababar aqoon kororsi ah oo loo qabtay dhowr iyo toban ka mid ah maamulayaasha, macalimiinta iyo gudiyadda Waxbarashada ee Gobolka Mudug.

Tababarkaan oo socday 8-maalmood , waxaa lagu baranaayey duruus  la xiriirtay kala Doorashada hababka  maareynta fasalka iyo qorsheynta casharada.

Isku-duwaha Xafiiska Samareeb ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Maxamuud Axmed cali ayaa faah faahiyay   qorshaha xilligaan u degsan Wasaaradda Waxbarashada iyo sida  kor loogu  qaadayo xirfadda maamulayaasha iyo macalimiinta .

Qaar ka mid ah ka qayb galayaasha tababarkaan iyo macalimiinta bixisey duruusta ayaa dhamaantood muujiyey muhiimadda uu u lahaa bahda Waxbarashada Samareeb.