Ra’iisul wasaare Rooble oo gaaray magaaladda Jeddah ee dalka Sacuudiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta gaaray magaalada Jeddah, isaggoo ku sii jeeda magaalada barakeysan ee Makka,si uu u soo Cumreysto.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaaladda Jeddah kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan boqortooyadda Sacuudiga, waxaana lagu wadaa ra’iisul wasaaraha inuu kulamo la qaato madaxda dalkaasi.