Maamulka Galmudug oo wada qorshe lagu dayactirayo waddooyinka

Maamulka Magaalada Dhusamareb ayaa wada qorshe lagu dayactirayo waddooyinka,isla markaana biyaha wasaqda ah looga saarayo bartamaha Magaalada ,ka dib kolkii uu khalkhal ku yimid isu socodkii gaadiidka iyo dadwynaha.

Gudoomiyaha Magaalada Dhusamareb Macalin C/raxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow iyo ku-xigeenkiisa Amniga iyo Siyaasada Cabdi Xaashi Caroole ayaa kormeer ku tagag Goobaha ay ka socanayaan Dayactirka Wadooyinka ,kuwaas oo wax looga qabanayo Daadadkii ka dhashay Roobabka xilligaan.

Gudoomiyaha ahna Duqa Magaalada Macalin C/raxmaan Geeda-qorow ayaa xusay  in Dhismayaasha cusub oo aan lahayn Hanaan la jaan qaadaya Magaalada ay dhaliyeen caqabad,isla markaana ay hor-istaageen meelihii ay ka bixi jireen biyaha magaalada .

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in  Maamulku ay wadaan Qorsha  la doonayo in lagu hagaajiyo waddooyinka,waxa uuna ugu baaqay cid waliba ay Gacan ka geysato adadaalkaaisi,isagoo dhinaca kale u Mahad celiyey bulshada magaalada oo si is xilqaan ah ku dhisayana qaar ka mid ah wadooyinka.