Dowladda Hoose ee Xamar oo shaqo ka qabatay dib u furidda isgoyska Miranaayo

Iyaddoo la fulinayo amarka Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa Waaxda Howlaha Guud ee Dowladda Hoose ee Xamar waxaay shaqa ka qabteen isgoyska Miranaayo oo malhaan u xirnaa.

Howlwadeennada Waaxda Howlaha Guud ayaa gebi ahaanba ka qaaday carradii la dhigay bariga magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Miranaayo, waxaana dib loo furay dhamaan waddooyinka magaalada.