R/Wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray Sacuudi Carabiya

R/Wasaaraha Xukuumaddda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ka  ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,iygoo gaaray Dalka Sacuudi Carabiya.

Wafdigaasi oo ay Garoonka ku sii sagootiyeen xubno ka tirsan labada Gole,.waxaa la filayaa in ay ka qeybgalaan gudashada acmaasha Cimrada.

Safarka wafdiga uu hoggaaminaayo Mudane Rooble oo qaadan doona dhowr cisho,waxaa sidoo kale qeyb ka ah kulammo lala yeelan doono  madaxda DalkamSacuudi carabiya

Dhinaca kale,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeysy geerida marxuum Cabdullaahi Sheekh  Ismaaciil oo horay u Soo noqday ra’iisal wasaare ku xigeen  iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya.

Mudame Roole,Waxa uu alle uga baryay in jannadii Firdowsa uu ka waraabiyo marxuumka,qoyskii uu ka baxay, Asaxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeedna samir iyo Iimaan..